Saturday, August 13, 2022
Home Blog

Abwaan Dhoodaan oo ku geeriyoodey dalka Itoobiya (Warbixin iyo Taariikhda Abwaanka ).

0

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaaladda Herer ee dalka Itoobiya ku geeriyoodey abwaankii caanka ahaa ee Cabdilaahi Macalin Axmed “Dhoodaan” oo ahaa hal abuur aad looga yaqaano geyiga Soomaalidu degto.

Abwaan Dhoodaan wuxuu ahaa suugaan yahan hodan ku ah curinta suugaanta noocyadeeda kala duwan, sida gabayadda, geeraaro, maansooyinka iyo suugaan isaga gaar u ah oo loo yaqaano Jacburka kaasoo ahaa mid aad loogu xasuusto abwaan Dhoodaan.
Taariikhda Abwaan Dhoodaan.
Abwaan Cabdilaahi Macalin Axmed “Doodaan” wuxuu ku dhashay Miyiga deegaanka Wardheer ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya sanadku markuu ahaa 1941 dii, abwaanku wuxuu ku soo barbaaray noloshii Miyiga ee uu ku dhashay oo xiligaasi dadka Soomaalidu u badnaayeen.
Dhoodaan wuxuu sugaan curinta bilaabay isagoo 16 sano jir ah, isagoo ka bilaabay curinta gabayadda, Geeraaradda iyo Ciyaarta dhaantadda oo uu aad ugu caan ahaa waayihiisii dhalinyaranimo ee noloshii baadiyaha.
Abwaanku wuxuu mudo badan ku noolaa magaalada Muqdisho, xiligii ay dalka ka talinaysey Dawladii uu hogaaminayey Jen Maxamed Siyaad Barre, markii ay buburtay Dawladii Soomaaliya wuxuu u baxay dalka Kenya isagoo mudo halkaasi ku noolaa.
Gabayadda lagu xasuusto Dhoodaan.
?
AUN Abwaan Dhoodaan wuxuu caan ku ahaa gabayo xigmadaysan oo eebe ku manaystay inay kasoo maaxdaan maskaxdiisa waxaana gabayadiisa inbadan oo kamid ah uu kusaleeyn jirey maahmaahyada Soomaalida taasoo abwaanku uu kaga duwanaa inta badan abwaanadda Soomaalidda.
Abwaanka gabyada lagu xasuusto ee soomaalidu aad ka ugu taqaano waxaa kamid ahaa, Alle Tuug, Likaaco, Aweetii, Garnaqsi, Jilboriiq, Jeeraaro, Ogaysiis,Qalbikarbaash, Tusaale, Toosoo Kacaay, Xaawo iyo Aadan, Isweydiin, Higlo & Halgaad iyo gabaygii caan baxay ee Jacbur la magac baxay kaasoo Abwaanka aad loogu bartay qofkastaana ku xasuusto. ereyadii gabayga Jacbur ee qosolka iyo maada ku salaysnaa waxaa kamid ahaa.
Ninuu ciil lafaha buuxiyoo dibinta ruugaaya
Oo luqanta hoogaamiyo gegi xarriiqaaya
Haddii kii xumaantaa ku falay weliba maad maago
Sidii laba digaag sow ilkaa layska cuni maayo
Abwaanku mar uu ka hadlayey arimaha Jacaylka oo uu ku cabiray gabayga Jacburka wuxuu tiriyey gabay qosol badan oo Jacbur ah oo ay kamid ahaayeen.
Anigaba dharaarahan qalbigu waa i ruxmanayaae
Gabadh meel maraysey baan rabaa inaan jeclaadaaye
laakiin nin baa i waalayoo ii durbaan tumaye
Wuxuu yidhi hadaad caashaq tahay dheefta wada diide?
aniguna runbaan moodayee kama dhegaysteene
maantiyo shalaytiyo doraad waanigii qadaye
baahidii i haysaan ka baqay inaan hunqaacaaye
Saaxiibkiisa mooyee anuuba gaajo ii dilaye?
Ninkaa inaan Budheeyaan damcaye Caawa ilaraadi,?
Waa qayb kamid ah gabaygii jacbur oo abwaan Dhoodaan AUN uu kaga hadlay arimaha Jacaylka oo xiligii uu gabaygan curiyey aad ugu badnaa suugaanta lagaga hadlayo.
Waxaa xusid mudan in xiligaas oo ku beegnayd qiyaasta intii ?u dhaxaysey sanadihii 1970 ilaa 1980 maadkii ay aad u badnaayeen sugaanta dabagalkeeda iyadoo xiligaasi Dawladii Milateriga ahayd ay faafreeb ku samaynjirtey sugaanta wixii ay u aragto inay ka dhan yihiin.
Abwaanka ayaa mar uu ka hadlayey Gabayga Jacburka ah ee uu kaga hadlay arimaha Jacaylka ayuu sheegay in ula jeedadu aysan ahayn waxa uu ka hadlayo balse uu xambaarsanaa xigmad ka culus oo ku aadan sida dadka sugaanta curiya loogu mashquuliyey arimaha Caashaqa oo aysan waxkale uga hadli karin, wuxuuna abwaanku sheegay in gabaygan uu ku bahdilayey arimaha Cishqiga lagu sheegay ee xiligaas wadanka haystey.
Iskusoo wada duuboo Abwaanka ayaa sanadihii u danbeeyey ku noolaa magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida caasimadda u ah, waxaana maanta soo dhamaatay noloshiisii aduunyo, isagoo sanadkan jirsadey 72 sano.
Khadar Cawl Ismaaciil

Taariikhdii Abwaan Xasan Sh. Muumin (AUN)

Xasan Sheekh Muumin wuxuu ku dhashay magaalada Boorame hilaadihii 1930.kii Caa’ilad reer diineed ayuu ka soo jeedaa. Dugsiga quraan ayuu waxbarshadiisa ka billaabay. Shaqooyin kala duduwan ayuu qabtay.

Shaqadiisii dowladeed ugu horeysay wuxuu ka qabtay Raadiyo Muqdisho iyo Wasaaradda Waxbarashada. Raadiyo Muqdisho wuxuu ka ahaa soo saare barnaamij.
Taa dambe, waxay fursad u siisay inuu diyaariyo agaasinka waxna ka alifo barnaamijyka “Riwaayada Raadiyaha,” hab taxane ah dadweynuhu aad u hiigsado. Halkaas ayuu ku soo caan baxay. Hawshiisii ugu horeysay, wuxuu abaabulay Riwaayada la magac baxday: “Hubsiimo hal baa la siistaa.” Isla markiiba xigtay Golaha Murtida & Madadaalada lagu furay: “Shabeel Naagood,” ayadu noqotay heer caalami. Waxaa turjumay Macalin Goosh (Andrzejwski: Leopard Among the Women, London, @1974, OUP). Waxaa xigay “Gaara Bidhaan” iyo “Ehelunaar Adduunka.” Labadan dambe iyo guud ahaan fikradihiisa, waa labo sheeko mujtamaca taabanaya. Tan hore, waxaa ayaamahaas kulmay, dhalinyaradii wadanka waxbarasho dibada ugu maqnaa iyo soo laabadkoodii ayagoo soo guursaday hablo caddaan ah. Sheekada wadanka jirtay umbuu taabtay, waxay bulshadi ku noqotay: “Meel bugta iyo fartay is og.” (hoos ayeynu kaga hadli doonaa).
Midan kale, Ehelunaar Aduunka, ayada wuxuu ka soo naqliyey fikrada suugaanlihii Masar, “Al mucadabuun fil ardi,” waana sheekada shaqaalaha ku dulman wax soo saarka dhaliya iyo hanti goosadka ribix kaliyah u muuqdo. In la is waafajiyo sidii wax loo sixi la iskuna miisaami lahaa ayuu nishaabay. Xagga waxbarashada sidoo kale, dabyar ma shidin. Wuxuu ku noqday guddigii 1970kii loo xilsaaray qorista af Soomaaliga maanta aynu miradeeda muudsanayno. Hawshiisa fara badnayd wuxuu ka cudur daartay, ha yeeshee, waxaa loogu bedelay la-taliye u noqdo. Mahrajaanadii dhalinta dugsiyada kala duduwanaa intooda badan asagaa isku dubariday waxaa ka mid ahaa:

Soomaaliyey sara kacaa
Isticmaarka surka goynoo
Oo dalkeena aan ka saarno….
Haddaba aynu soo qaadano suugaantiisii qaar ka mid ah, halka dadka madaxooda iyo maankooda ruxisay:
Gorayadu ilmaheeda
Aroori bay dhigtaayo
Aboodigu ku laayaa
Shimbirtuna aroos ay
Ilaxidhoo ammaana bay
Ubadkeeda seexisaa…..!

 

Halkan waxaa inooga soo baxaya isaseega (iska soo horjeedka) iyo ekaansho ka dhex muuqda labo maanso. Iyo wax hoos u qarsoon oo ay tahay qofka dhagaysanaya
inuu kala soo baxo ubucda maansada. Midaa weeye ta dhadhanka goonida u yeelaysa maansada.
Halkan ekaanshuhu, waa ubad shimbir iyo gorayo. Ereyga qarsooni waa labo shay oo kala weyn. Shimbir yar iyo goroy aad uga weyn. Isaseegu wuxuu ku jira, habka dhaqanka labadan shimbirood. Midii weyneyd, ubadkeeda meel cidla’ ciirsan ayey uga dhaqaaqdaa, tii yareydna buul geed dhaladii ku yaal ayey uga dul heestaa. Baydkan dambe, adinka ayaan idiin daayey inaad maankiina maashaan:
Ilka weynow maroodigu
Aradaduu mirtaa buu
Cadowgu ka ugaadhaa
Aboorkuna dundumadaan
Aragnay buu dhistaayoo
Naftiisa ku ilaashaa…..!
Suugaantiisa ka dhammaan meyno, sidoo kale, dab dhaxamooday, durdur oomay iyo daawo bukootay bal idinkuba eegoo in la helo meel laga maro. Maanta umbay inoo muuqataa inay maanta ciida ku rognay Qaamuus. Aniga dhowaan ayuu dhidibka ila aslay buug, qalinkana ku duugay hordhaciisana. Waxaa intaa dheer subax Ilaahay keenaba, fikrad cusub iyo talo wax ku ool ah ayuu kolba igu soo butaaci jiray. Wuxuu nishaabi jiray halkan isleeyahay waxay u baahan tahay in la is barbardhigo labo maanso aan shaqo isku lahayn.

Haddanna wax fara badan wadaaga qaar muuqda iyo mid qarsoon (Compartative Analysis). Inta waxaa dheer riwaayadiisa sare ku soo xusay, “Gaaraa Bidhaan,”
waxay isku miisaan wadaagaan riwaayadda Cali Sugule, “Kalahaab iyo Kalahaad.” Ayaguna wakhigooda ayey leeyihiin. Waxaan isleeyahay buuggani wuxuu gaarsiiyo meel uusan haaban lahayn la’aantii, dhinac walba marka laga eego. Waxaan ka qoray, malahayga, dhowr cadad ayey u baahan yihiin in lagu soo wada koobo. Kolayba in aan abaal uga dhigo ayaa i dulsaaran. Asagana naxariis iyo jannada Fardowsa Ilaahay ha ka waraabiyo eheladiisana iyo Soomaalina samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Aamiin!

Abwaan Xasan Sheekh 16kii Jannaayo 2008 ayuu ku geeriyooday magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaana lagu aasay magaalada Boorama. Ilaah ha u naxariisto.
Qoraha

Abdulfatah Abdullahi Gacmadheere
Asaaska Suugaanta Soomaaliyeed

Museveni Ciidanka Soomaalida Wey Nala Qeybsan karaan Tuutaha Iyo Cuntada balse Mushaar Uma Heyno.

0
Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha DFS ayaa booqasho ku tagey dalka Uganda, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni, kaa oo uu ka dalbaday inuu kaalmo iyo garab istaag ku siiyo dagaalka ay dowladiisu dooneyso inay ku qaado Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Labada hogaamiye ayaa kulankooda kadib warbaahinta la hadlay, Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu madaxda Uganda kala kulmay soo dhaweyn diiran, halka Yuweri Musaveni uu sheegay inuu Xasan Sh Maxamuud soo raadsaday kaalmo balse aysan iyagu awood u lahayn inay kaalmadaas ku garab istaagaan.

Musaveni ayaa yiri: “Markii aan tagey Soomaaliya, waxaa arimaha ay ka doodayeen Shariif iyo Farmaajo ka mid ahaa qadiyada mushaarka, Marka qarankaagu yahay mid taagdaran sidee baad ku heli kartaa lacag aad ku maareyso mushaaraatka ciidankaaga, sidaad la socotaan Soomaaliya waa wadan weyn, waa wadan ku saddex jibaarma Uganda, waa dhul aanan lagu maamuli karin 10 kun oo askari ama xitaa 40 kun, balse taasi badalkeed waxaan u maleynayaa inay Soomaaliya u baahan tahay ugu yaraan 80 kun oo askari, mushkiladuse waxay tahay halkee baa ciidanka intaas la eg mushaar looga keenayaa?”


Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ihaaneysatay madaxda iyo ciidanka dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna yiri: “Anagu rajadeenu waxay tahay, dadkaan kula socdana aan u sheegay inaan Soomaaliya ka caawin karno inay ka adkaato Shabaab, waxaan ku caawin karnaa hubka iyo dareeska, weliba cuntada aan cuneyno waad nala qeybsan kartaan laakiin waxa aynaan idinka caawin karin ayaa ah mushaarka ciidankiina, halkaas markey joogto oo aad mushaar u baahan tihiin waxaad aadaan imaaraatka, Qadar, iyo Turkiga”


Ihaanadan uu Xasan Sheekh kala soo kulmay Uganda ayaa imaanaya Iyadoo dowladiisu ay isku diyaarineyso inay qaado olole dagaal oo ka dhan ah Shabaabul Mujaahiiin, waxaana dhawaan hadal uu jeediyey madaxweynaha DFS ku sheegay in uusan wax wada hadal ah la gali doonin Shabaab taasi badalkeedna ay awoodda saari doonaan sii awood military looga adkaan lahaa.

Taariikh-nololeedkii Prof Cali Xasan Maxamed.

Prof Cali Xasan wuxuu ku dhashay magaalada Ceeldheer sanadkii 1944kii. Wuxuu ku barbaaray Muqdisho iyo Qaahira.

Ilaahay haw naxariisto e, Prof Cali Xasan Maxamed wuxuu ahaa keyd cilmi ah oo Ummadda Soomaaliyeed ka baxay. Wuxuu wax ku bartay dalalka Soomaaliya, Masar, Ruushka, Roomaaniya iyo Suudaan. Wuxuu haystay sideed shahaado heer jaamaceed iyo ka sarreeya, kuna kala qaatay muddadii u dhexaysay 1970-2002.
Wuxuu haystay laba shahaado oo bachelor ah, afar shahaado Diblooma sare ah, shahaado Master ah iyo shahaadada PhD. Wuxuu ku kala qaatay takhasusyo kala duwan, oo muhiim u ah nolosha iyo horumarka ummadda, kalana ah: Culuumta Bulshada, Taariikhda, Culuumta Siyaasadda, Istaraatiijiyada iyo Amniga Qaranka, Luqadda Carabiga, Daraasaadka Islaamiga, iyo Daraasadaha Afrika (African Studies).
Wuxuu waxbarashada ka shaqaynayay muddo nus qarni ku dhow (1970-2016). Wuxuu ku billaabay macallinnimo dugsiga sare sanadkii 1970kii, ka dibna maamule dugsi sare Jowhar iyo Boorama, iyo Guddoomiye waxbarasho ee Gobolka Mudug.

Ka dib wuxuu u wareegay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhigayay Taariikhda iyo Culuumta Siyaasadda. Wuxuu soo noqday Hormuudka Kulliyadda Waxbarashada Lafoole 1983-85; Hormuudka Kulliyadda Saxaafadda iyo Culuumta Siyaasadda (1988-1990).


Jaamacadda Muqdisho wuxuu ka dhigayay maadooyinka Daraasaadka Soomaalida (Somali Studies) iyo Daraasaadka Afrika (African Studies). Wuxuu ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Akaadeemiyada ee Jaamacadda Muqdisho (1997 – 2016). Wuxuuna Jaamacadda Muqdisho ka qaatay darajada Bare Sare ama Professor sannadkii 2009.


Wuxuu caan ku ahaa hawlkarnimo, shaqo jacayl,.ilaalinta nidaamka iyo waqtiga.
Wuxuuna ku geeriyooday Muqdisho 14/3/2017. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo.

Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Labo Musharax oo si weyn isku haya.

0

Dalka Kenya waxaa shalay ka dhacday doorasho si weyn loo wada sugayay , waxaana doorashadan oo loogu tartamayo xilka Madaxweynaha iyo kuraasta kale ee Baarlamaanka ku loolamaya musharaxiin tiro badan oo iska soo horjeeda.

Loolanka doorashada ka socota dalka Kenya ayaa si weyn ugu dhaxeesa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, labadan musharax ayaana si weyn loo saadaalinayaa in midkood kusoo baxo xilka Madaxweynaha.

Labadan Musharax ee ku tartamaya xilka Madaxweynaha Kenya ayey aad iskugu dhow yihiin codadka ilaa hadda la tiriyay oo gaaraya 1.2 milyan oo cod, waxaana tirfinta tijaabada ay sameeyeen Warbaahinta Kenya wax yar horeeya William Ruto .

Guddiga doorashada Qaranka ee Kenya ayaa ku mashquulsan tirinta codadka musharaxiinta tartanka u dhaxeeyo, waxaana Madaxweynaha Kenya noqonaya musharaxa hela codadka la tiriyo  50% oo lagu daray hal cod (50%+1)

Doorashada dalka Kenya shalay ka bilaabatay ayaa muhiim ah u ah xassiloonida dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, kadib markii labo ka mid ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ay hareeyeen rabshado iyo musuqmaasuq.

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Lix qof oo ay dambiyo ku eedeeyeen (Magacyadooda).

0

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhaxe ku toogtay lix nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis u shaqeysa sirdoonada Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka.

Ragan xukunka dilka ah Al Shabaab ku fuliyeen ayaa lagu soo qabtay howlgalo dagaalyahanada kooxdaasi ka fuliyeen deegaanada ay maamulaan, waxaana ragan oo muddo xabsiyo ku jiray ugu dambeyn lagu fuliyay xukun dil ah.

Qaadiga maxkamada Al Shabaab ee xukunka ku riday lixdan nin ayaa aqriyay magacyadooda iyo dambiya loo heestay, waxa uuna sheegay in ragan qirteen in ay ahaayeen jawaasiis u shaqeysa sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.

Raga Al Shabaab xukunka dilka ah ku fuliyeen ayaa kala ahaa :

1: Cabdirisaaq Ciise Axmed oo loo yaqaano ( Maqas) waxaana Al-Shabaab ku eedeeyeen inay uu la shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay degaano katirsan Gobolada Jubbooyinka.

2: Xasan Gaarane Muuse oo loo yaqaano ( Dr Ayuub), kaas oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay sirdoonada Mareykanka, kenya iyo Soomaaliya, isla markaana uu qeyb ka ahaa ilaa 20 duqeymood Ciidamada kenya ka geysteen Gobolada Jubbooyinka & middii lagu dilay Maamulihii Shirkadda Hormuud ee degmada Jilib.

3: Cabdullaahi Cali Ismaaciil oo Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta iyo kuwa Jubbaland uuna ka qeyb qaatay weeraro dhowr jeer lagu qaaday Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

4: Shire Yuusuf Xersi, kaas oo lagu eedeeyay in uu muddo Saddex sano ah la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu bixiyay xogta 10 kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab oo la weeraray.

5: Axmed Muqtaar Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Ciidamada Maamulka Jubbaland isla markaana uu Saraakiisha Ciidamada Jubbaland u gudbiyay xogta weeraro ay kusoo qaadi rabeen Al-Shabaab.

6: Ismaaciil Cabduweli Cismaan oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka uuna sigaar ah ula Shaqeeynayay Xasan Gaarane Muuse oo loo yaqaano ( Dr Ayuub), isla markaana uu bixiyay xogta saraakiil katirsan Al-Shabaab oo lau dilay duqeyn diyaaradeed.

Al Shabaab ayaa dhawwaan sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fuliyay rag iyo haween ku sugnaa gobolada Baay iyo Gedo, kuwaa oo iyana ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.

 

Taariikhda Abwaan Abshir Nuur Faarax

Decorative Lines

Abshir Nuur Bacadle oo loo yaqaano Abshir Bacadle waa abwaan Soomaaliyeed oo caan ka ah dhamaan cariga Soomaalidu degto. Abwaanka wuxuu ku dhashay degmada Mustaxiil ee kililka shanaad ee Soomaali Galbeed sanadku markuu ahaa 1946.

 

Waa nin si aad ah ugu gabya diinta islaamka taasna waa tan aan ku jeclaaday runtii anoo yar oo aan qaan gaadhin oo aan si fiican u garaneeynin af soomaaliga ayaan dhageeysan jiray abshir bacadle gabayadiisa run ahaantii marka aad dhagaysanaysid gabayada abshir bacadle waxaad daremaysa qiiro iyo xaqqiqda diintu waxa ay tahay iyo soomaalidu ama caalamka kaleba say diinta uhaystaan waxa uu taabanayaa gabyaa bacadle meelo fogfog uusan fahmi karin qof udhuuxgala maahee qof kale.

Gabayada ugu khatarsan abshir bacadle gabayadiisa waxaa kamida gabeyga tawxiid, dibuheshisin, ceeryaamo, gabayga uu utiriyay guuleed fansalakh ,gabeyga uu ku amaanaayo gabdhaha muxajabaadka iyo gabayo badan uu dhawaan utiriyay midowga maxaakimta islaamiga.

Caqiidada Diinta Islaamka

Abshir bacadle waa nin aad iyo aad qiima uga leh umada soomaliyed waayo waa nin muujiya asalka ama diinta soomalidu haysato kuna faanto gabayadiisa had iyo jeer waxa uu ku muujiya macanka ay leedahaya caqiidadu ama diinteena islaam iyo ciilka ay nooqabaan gaaladu khaasatan Itoopiya oo ah cadawga koowaad ee Soomaliya.

Waa nin gabayadiisa kaga warama cadaawadii soo dhexmartay soomalida iyo itoopianka waxa uuna aad utaabtaa maalinta qiyaami iyo aakhiro iyo inuu tusiyo umada somaliyeed in ilaah sokadiis aysan cid kale tari karin. Abshir Nuur Farax waxa jirtay gabay uu umariyay gabdhaha muxajabaadka ah markii ay dawladii shuuciga ahayd ay qaqabatay gabdhaha xijaaban oo ay dheheen waa dhilooyin waxana arinta horkacay wasiirkii diinta iyo awqaafta lana oran jiray Guuled loona bixi ugu danbayntii [guuleed fansalakh] asaga oo lagu shabahayo ninkii reer Banii Israail ilaah cilmiga siiyay hadana caasiyay.

Abshir bacadle markii uu arkay dawladu falkay kula kacday gabdhihii muxajabaadka ahaa beenisayna aayadii ilaahay ee xijaabka amraysay waxa uu ahaa dadkii aadka uga carooday falkaa, gabayna ayuu mariyay.

Gabaygii dawladu abshir bacadle waxa ay damacday inay ku xirto laakiin Abshir waa uu fakaday waxa uuna aaday xagaas iyo sucuudiga.

Laakiin dawladii sucuudiga ayaa Abshir soo tarxiishay kuna soo celisay somaliya markaas ayuu hadana dawlada sucuudiga gabay kale utiriyay.

Waxa lagu Xusuusto Abwaan Abshir

Waxaa ka mid ahaa oo lagu xasuustaa Abshir nuur farax gabayguu u tiriyey somaliland ka dib markii ay fara xumeeyeen Zam zam axmed ducaale kaas oo uu ku jeex jeexay waxayihiin somaliland.Abshir bacadle waa ftahan mawqaf cadna ka joogsada diinta mana aha da.

Geeridiisa

Innaa lillahi wa innaa Ileyhi Raajicuun

Alle ha u naxariistee wuxuu geeriyooday 10-kii October 2010.

Waxaa u ahaa nin wadani ah qaybtaan waxaa raaciyay (Maxamed Cabdulaahi Cali Wardheere) abwaan abshir bacadde oo ay isku dhawaayeen beel ahaan ganeraal Maxamed Faarax Caydiid, Cabdulaahi Ciise Maxamuud, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, Cabdulaahi Axmed Cadow, Cusmaan Caato iyo shaqsiyaad kale oo somaliya magac ku leh ayaa si weyn loogu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay dagaalkii bilawgii sagaashameeyadii lala galay ciidamadii ku soo duulay Somaliya ee uu hogaaminayay Marykanku ee loo yaqaano (UNSOM).

Wuxuuna maalin kasta soo ban dhigi jiray gabayo uu ku dhiirigalinayaa mujaahidiintii uu horkacayay Allaha u naxariistee general Caydiid waxana kasoo qaadan karaa oraah kamid ahayd gabay uu tiriyay mar ay gaaladu duqeeyeen Hotel Daameey oo ay shir ku lahaayeen masuuliyiintii mujaahidiinta halkaas oo ay ku shahiideen in kabadan 69 xubnood oo dhamaantood ahaa caqligii somalidii markaa diidanayd wadanka in ajanabi soo galo waxaana arintaa ku farxay somali dabadhilif u ahayd gaalada abwanku asaga oo dhiirigalinaya dhalinyaradii mujaahidiinta ahayd waxa uu yiri ( GUN IYO GAALABA WAA FARXEEN GOBI SE GEERI WAATAQAAN ) alaha u naxariisto abwaanka.

Xigasho: Wikipedia

Geerida Abwaan Abshir Bacadle

Abwaan Abshir Bacadle

Allaha u naxaristee waxa magaalada Muqdishu lagu aasay Abwaan Abshir Nuur Faarax Weheliye oo ku magac-dheeraa Abshir-bacadle. Waxa uu caan ku ahaa suugaanta gabayada iyo shiribka. Waxa kale oo uu gacan ka geysan jirey hawlaha samafalka.

Abwaan Abshir-Bacadle, waxa la sheegay in uu dhashay sanaddii 1949, waxanu ku dhashay degaannada u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Hobyo. Laakiin waxa uu ku barbabaaray degaanka Mustaxiil oo hooyadii ula qaxday, ka dib markii aabbihii lagu diley dagaalloo sokeeye.

Abshir-Bacadle waxa ka dib uu u soo guurey Beledweyn iyo Xamar oo uu aakhirki degey, waxanu caan ku ahaa ganacsiga yaryar ee bacadlaha. Laakiin waxa uu noloshiisa intii danbe uu aad ugu caan baxay dhinaca suugaanta oo u badan gabayo iyo Shirib. Waxa lagu tilmaamaa nin suugaanta u adeegsan jirey wacyi gelin, diin, maad, iyo bulshannimo intaba. Gabayada noocan ah ee caan baxay waxa ka mid ahaa gabayga la yidhaa ‘QAADOW ADIGAA LEH’.

Waxa haatan la wadaa laba jus oo laga samaynayo suugaantii Abshir-Bacadle oo la ururiyey, midna la dhammaystiray. Waxa kale oo abshir bacadle uu caan ku ahaa sanadahan danbe dhinaca samafallada iyo taakulaynta dadweynihii ku waxeelloobay dagaallada sokeeye iyo kuwii barbaxay.

Allaha u naxariistee Abshir Bacadle, waxa la sheegay, in dadka uu ifka kaga tegey ay gaadhayaan ilaa dhawr iyo soddon qof oo shan bahood kala ahaa, haatanna ku kala sugan meelo kala geddisan.

Qaar Ka Mid ah Gabayada uu Tiriyay

QAYILOO CUN REERKANA QADI…QAADOW ADIGAA LEH.

Waan idin salaamay dhamaan walaalahayga halkan fikradaha isku waydaarsanaysa gaar ahaan kuwa soo diyaariyay barnaamijkan. Salaan kadib walaalayaal hadaan ka dhiibto ra’yigayga halkan kaasoo ku wajahan qaadka. Walaalayaal waxaan qabaa in uu qaadku yahay daroogo taasoo aan banaaneyn waxaana soo gudbinayaa gabay uu tiriyay Abwaan Abshir Nuur Faarax (ABSHIR BACADLE) Ciwaanka Gabaygu waa:

QAYILOO CUN REERKANA QADI…QAADOW ADIGAA LEH.

(Qaadka ha u Aqoonsato Ummadda Soomaaliyeed Daroogada Cagaaran…)

1-Boqolaal qorshoo wada qabyaa …. Qaadow adigaa leh.
2-Qoryo raamso quudkana yaree… Qaadow adigaa leh.
3-Qayiloo cun reerkana qadi ….. Qaadow adigaa leh.
4-Qasad dhaar ah qowl aan la fulin. Qaadow adigaa leh.
5-Faqiir qani is moodoo qayila… Qaadow adigaa leh.
6-Qaflad aan dareenkeed la qabin…. Qaadow adigaa leh.
7-Qurbaha joog adoon hawl ka qaban… Qaadow adigaa leh.
8-Kabr qolofa & qurun agyaal… Qaadow adigaa leh.
9-Qaan gaaro qeyrkood ka haray…. qaadow adigaa leh.
10-Is qandiiri kana qoomamee… Qaadow adigaa leh.
11-Qaamuuska cay waxa ku qoran…. Qaadow adigaa leh.
12-Qayb amaaho adigoon qadeyn…. Qaadow adigaa leh.
13-Xubna qaadi waa sida qof qalan…. Qaadow adigaa leh.
14-Qandiga fuqurka &quus rageed… Qaadow adigaa leh.
15-Inoo qaybi aan lagu qanceyn…. Qaadow adigaa leh.
16-Adaa qaatay qeybtii badneyd…. Qaadow adigaa leh.
17-Iska qari qofbaa kugu qabsane… Qaadow adigaa leh.
18-Af qashuush ahoon cadeygu qaban… Qaadow adigaa leh.
19-Il qaloocda daankoo qombora…. qaadow adigaa leh.
20-Qashin iyo qashaabiir qurmoon… Qaadow adigaa leh.
21-Qamra cagaaran qiil lagu xalilo…. Qaadow adigaa leh.
22-Qandaraaska qababaal xumada…. Qaadow adigaa leh.
23-Qarnigaan qasaaraha u daran…. Qaadow adigaa leh.

Walaalayaal waan dhamystirayaaye iga raali ahaada

Qore: Cabdirisaaq Ahmed Mahamed

TAARIIKH NOLOLEEDKII ABWAAN MOHAMED XAASHI DHAMAC GAARIYE OO KOOBAN

GEERIYEEY XISHOODLAAY.
XEJIYAAY FOGEEYAAY.
XAASHA EE AF TAHANIMO.
HADII UU XABAAL GALAY .
ABWAANKII XIDIGIN JIRAY.
MURTIDII XAG LOO DAYO.
XULASHADA AHAYD IYO.
XARAGADDA HIGAADDII.
AYAA XARAFKII HOOSDHABI.

FARASKII XIDDIGAYSNAA XAKAMAHA AYAA SUDHI?
MOHAMED XAASHI KA SOCOYE SOMALAAY WAYNAKAA.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu 1950kii ku dhashay magaalada Hargaysa, Hooyadii Qamaansha Jaamac Xuseen waxay la dhashay oo la waalaalo ahaa Wiil iyo 4 hablood, Dhammaantood waxay ku noolaayeen magaalada Hargaysa.
Abwaanka Waxay hooyadii iyo aabihii kala tageen isagoo aan weli gaashaan qaadin, waxaana koriinkiisa intii badnayd la wareegtay oo kafaalo qaaday Eedadii.

Abwaanku waxa uu Waxbarashadiisii Dugsiga Hoose/dhexe iyo sare ba ku qaatay Magaalada Hargaysa iyo Sheekh Muddadii u dhaxaysay 1960kii illaa 1970kii, Kadib waxa uu abwaanku galay Kulliyadii lafoole sannadkii 1974kii halkaas oo uu ka qaatay shahaadada loo yaaqan BSC, Isla wakhtiyadaas Abwaanku isagoo Dhalinyaro ah wuxu bilaabay curinta Maansooyinka iyo hal abuurnimada, Waxa uu Abwaanku Dhalay 4 Hablood oo laba bahood ah kuwaaso la kala yidhaa Hodan Maxmed Xaashi iyo Hoodo Maxmed Xashi oo ay dhashay SAHRA MAXMED XUSEN NALEYE, oo ahayd Xaaska weyn iyo weliba Hiddo iyo Hibo oo ay u dhashay xaaskiisa Muna Qawrax oo iyada uu guursaday 02-12 2004.

Abwaanku isagoo illaa Wakhtigan uu geeriyoon doono ku dhex badweynta Curinta Maansooyinka iyo Suugaanta kala duwan ayaa waxa uu sameeyey Riwaayado badan oo ay ka mid ahayd Riwaayadda Dadka badankoodu aadka u hadal hayaan ee aqoon iyo af garad oo iyada ay wada sameeyen sxbkii Hadraawi , kuwaaso jilayaashi riwayaddana ay ka mid ahaayeen Maxmed Mooge iyo Shankaroon.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu ka qaybgalay oo weliba ahaa shamacyadii ugu iftiinka badnaa Maansooyinkii Taxanaha ahaa ee SIINLEY DA, Tasoo dalka ka curatay sannadkii 1973kii, Bilowgi Siinleyda ama ballaysinkeeda waxa iska lahaa Abwaan Maxmed Ibraahin Warsame Hadraawi, iyo Abwaan Cabdi Qays oo labaduba hadda nool.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu ka mid ahaa guddigii qoraalka af soomaliga, sannadkii 1976 Waxa uu Macalin ka noqday Dhowr Dugsi oo Sare, Sannadkii 1977 kii ayaa Abwaanka Loo bedelay Kulliyaddii LAFOOLE oo ka dhigi Jirey Suugaanta iyadoo Muddo yar kadibna loo magacaabay Guddoomiyaha Waaxda Suugaanta Soomaaliyeed.
1980 kii waxa uu Abwaanku ku wareegay Akadamiga Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho,
Tixihiisii Halku dhigga noqday ee Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa kamid ahaa ? Qasab kuma Balweyn karo, wallee Qaaf u jeedo leh qiimahayga kuma rido, Magac Waa qaashade, Wallee Qado Ma dhaafsado, Ninkii Beesha qaayima, qar haddu ku soo dumo, wallee ciida kama qaado,? Sidoo kale heesihii ugu magaca iyo quruxda dheeraa waxa ka mid ahaa TANAAD oo uu kaga hadlayey qoristii afka soomaaliga.

1979kii wuxu abwaanku ciriyey Riwaayad aan la jilin , oo aan ifkana iman oo la odhan jirey EED HOOYO LAGA GALAY.Riwaayaddan oo ku saabsanayd Dhagarta laga galay hablaha soomaliyeed ee marka laga danaysto lagu dafiro Carruurta, waxaana ku jirey heeso ay ka mid ahaayeen , Eed hooyo, bixiso, wiil gaabsi iyo dhaleeco.
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye Bishii December ee Sannadkii 1980kii waxa uu ballaysimah taxanihii maanso ee Dal iyo debedba maaxday ee deelleyda ee hor dhaca u ahaa halgankii hubaysnaa ee SNM Horseedka ka ahayd.
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu ka mid ahaa foolaadka hal abuurka soomaaliyeed ee sida Geesinimada leh maansadooda ugu adeegsada caabbiga nidaamkii siyaad barre.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye Waxa uu 1982kii ku biiray Urrukii SNM, taas oo runtii maal fiican ka soo gaadhay halgankii SNM .Wuxuu lahaa abwaanku diiwan uu ku ururiyey Maansooyiniisa oo aan weli la daabicin, Abwaanku wuxu ahaa Mid ku Gabyi kara Afka Carabiga, inglishka iyadoo uu 1996kii ka qaybgalay Tartan Suugaaneed afka carabiga ah oo lagu qabtay waddanka IVERY COST,halkaasoo uu ku guuleystay kaalinta koowaad, waxa kale oo abwaanku ka qaybgalay dhowr tartan oo lagu tartamayey Suugaanta Soomalida oo dhammantood ku guuleystay kaalmaha koowaad.

Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye ayaa si weyn loogu xasuustaa Gabayadii iyo Maansooyinkii dhaxal galka ahaa ee sida muga leh uga qayb qaatay nabadayntii beelaha iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland, isagoo runtii hormood u ahaa odayashii isu keenay dhamaan beelaha Somaliland ee heshiiska waara ka dhaxdhaliyey walaalohooda colaadu ka dhaxaysay hadaba bal aan soo yara qaadano dhawr maanso oo kamid ahaa kuwo uu sameeyey wakhtigii nabadaynta lagu dhaxjiray . kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Gabayadii uu tiriyey sagaashamaadkii ee ku saabsanaa Qiimaha Nabada iyo Khasaaraha Colaadu leedahay Maansadii caanka noqotay ee Ergo, ayaa waxa uu tuduc ka mid ah ku yidhi
“Laba oorya walaaliyo – ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee – marka aan ugu liito
Mar aan eeda sokeeyiyo- ilmahayga ku waayo
Mar aan aayo la’aanta – seedigay ugu aaro oo
Walaashay asay qaado – mar haday aqalkayga
Haddii layga adkadiyo – hadaan raystey idhahdaba
Mar lay oohin u tahay – bal maxaan istafiiday?”
waxaa kaloo jirtay maansadii dhahar  oo uu abwaanku kaga hadlaayey waayihii markaas jirey. Waxay tidhi Dhahar.
Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhaadmada dareenkiyo
Dhacdada iyo waayaha
Ninka ila dhadhamiyow
Jiilaalku dheeraa
Dhulka xaabki ka idlaa
Dhalma deys cirkii noqoy
Dabka dherigii saarraa
Dhagxantii bislayn waa
Inkastoo dhir xoogliyo
Dhamac yaab leh lagu shiday
Ma dhadhaab nuglaadoo
Sida dhaylo suulkiyo
Lagu goosto dhooshoo
Hilib laga dhishaa jira.
Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhahar waa ninkiisii
Garashadu dhibtiisiyo
Dhaawaciisa weeyaan
Dhalanteedka beentiyo
Dhaymihiisu waa faan
Shilka dhacay ma moogee
Isagiyo dhanqalantada
Dhacantaa u kala rogan

waxaa kale oo jirta in sanadkii 2007 oo gaariye qaaday koobka aftahanimada  kaas oo lagu qabtay dalka swedan isagoo noqday abaha fanka somaliyeed
Sidoo kale Abwaanku waxa uu Miisaan ku lahaa bahda waxbarashada, isaga oo muddo dheer macalin soo ahaa, ayaa waxa uu casharo ka bixin jiray Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud.taas oo wakhtigan haatan uu macalinka ahaa jamacada Hargeisa university.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye oo aan la soo koobi Karin taariikhdiisa,waxaan ku guddo jiraa inaan soo saaro dhawaan bugaagtiisii fanka oo dhamaystiran kuwa uu soo saaray iyo kuwa aanu wali daabicinba inaan soo ururiyo ayaan ku gudda jiraa insha allah kolay waxaan arkaa in fankii somaliyeed iyo dhaqankiiba uu ka tagay maskaxdii haysay lakiinse bal inaanu xusuustiisa iyo waxaa uu ka tagay noolayno waa inagu waajib .

geesi naga baxuu ahaa guul dhashuu ahaa halyeyqaranbuu ahaa allow godka kuu nuuri.amiin amiin amiin allow ehelkuu ka tagayna samir iyo imaan ka sii iyo dhamaan bulshada afka somaliga ku hadashaba .Amiim .Amiin .Amiin .Amiin .Amiin

US Warns Al-Shabab Attack on Ethiopia ‘Not a Fluke’

A concerted push by al-Qaida-linked al-Shabab to expand from Somalia into Ethiopia appears to have been “largely contained,” according to a senior U.S. military official, though he cautioned that the terror group was likely planning more such attacks in coming months.

Almost 500 al-Shabab fighters first crossed into eastern Ethiopia last week, clashing with Ethiopian forces along the border. U.S. assessments suggest they may have penetrated as much as 150 kilometers into Ethiopia before being stopped.

“It appears that the Ethiopians have largely contained and defeated this incursion,” General Stephen Townsend, the outgoing commander of U.S. Africa Command, said Thursday during a call with the Washington-based Defense Writers Group.

Ethiopian officials Thursday likewise confirmed the al-Shabab attack had been repulsed.

“Our brave soldiers foiled a plan al-Shabab was working on for at least a year and defeated the fighters they sent to Ethiopia within three days,” Mustafe Omer, the president of Ethiopia’s Somali region, told reporters.

Omar also said that Ethiopia is planning to create a “security buffer zone” aimed at countering al-Shabab attacks.

“We cannot merely watch an open border where the militants mobilize themselves on the other side [Somalia] to attack us,” he said. “We must prevent such a threat and not wait until they come to our border.”

AFRICOM’s Townsend agreed al-Shabab will try again.

“This is not a fluke. … I don’t believe this is a one-off,” he added in response to a question from VOA.

“It’s only been less than a year ago that al-Shabab emir [Ahmed] Diriye called for an increased emphasis on external attacks and increased emphasis on attacking Western targets in the Horn of Africa,” Townsend said. “This is a response.”

According to intelligence shared by U.N. member states, al-Shabab currently commands between 7,000 and 12,000 fighters and is spending approximately $24 million a year – a quarter of its budget – on weapons, explosives and increasingly on drones.

Townsend further warned Thursday that al-Shabab has been emboldened by recent political turmoil in Somalia, which consumed the attention of Somali officials and politicians for much of the last 18 months, as well as by the December 2020 decision by then-U.S. President Donald Trump to end a U.S. troop presence in Somalia.

That decision has since been reversed, and the AFRICOM commander said Somalia’s new president, Hassan Sheikh Mohamud, has also taken positive steps.

“Al-Shabab got bigger, bolder, stronger,” Townsend said. “So now we’ve got to blunt the initiative that they’ve [al-Shabab] enjoyed for 15 months or more.

“We’ve already seen an uptick in Somali security forces operations,” he added.

U.S. officials and some analysts worry that in addition to Ethiopia, which al-Shabab had previously attacked in 2013 and 2014, al-Shabab also plans to expand operations in Kenya, Djibouti and beyond.

“The militants have been enjoying in their movements and military mobilizations because of the absence of Somali National Army offensives against their hideouts and the areas they still control,” said Abdisalam Yusuf Guled, the former deputy head of the Somali National Intelligence and Security Agency.

“So they [al-Shabab militants] have got the choice to attack wherever they want and whenever they want,” he said. “To me, it [Ethiopia] was a rare attack but always predictable.”

There is also growing concern that al-Shabab is growing more powerful and more influential within al-Qaida itself.

Intelligence from the U.S. and from U.N. member states indicates al-Shabab leader Ahmed Diriye, also known as Ahmed Umar Abu Ubaidah, is part of al-Qaida’s Hittin Committee, which directs the group’s global operations.

Duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday saldhig ay leeyihiin kooxda Al-shabaab

0

Dayuurado dagaal oo ay sida loo malaynayo ay leedahay dowladda Itoobiya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka geystay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday buurta Surtaag oo ku aadan degaanka oo ku taalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Mataaan & Maxaas, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Al-Shabaab

Dad ku sugan degaano ku dhow buurtaasi ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda weerarka duqeynta ah, balse ilaa iyo hadda aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Goobta laga duqeeyey ayaa ku dhow degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo dhawaan howlgallo ay ka fuliyeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Itoobiya ayaa xoojisay weerarada ay ka geysato gudaha Soomaaliya tan iyo markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dhowaan degaano katirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida.